Maydinkiibaa?!
SKU: 72

Maydinkiibaa?!

120 In Stock
16.00€

Author: Axmed Muse Axmed Kayd

Editor: Jörg Berchem

A novel, both amusing and socio-critical. It is about the conflict between the traditional and modern ways of life in the Horn of Africa before the war.

Magaalada Muqdisho waxay kulaaleysey Badweynta Hindiya qamiyaal badan ayadoo bulsheba ka baddaleysey bulsho ka horreysey oo kaalinkcedii nololeed qaadatay, isla mar ahaantaasna u bannayneysa da’dii dhaxli lahayd. Maalmaha iyo habeenadu waa iska dabatagayeen, taasoo u gogohaareysey isguridda waqtiga. Muqdisho waxay soo gaartey marxalad ka mid ah jiriteenkeeda. Waxaa loo caleemasaaray, inay noqoto magaalamadax Jamhuuriyad markaa dhalatay. Isbeddelkaas ayaa soo jiidey dad badani inay ku soo ururaan. Dhaqammadii badnaa ooy magaaladu dheehday ooyan bulshadeedu ka sabatabixi karin, iyo dhaqammadii badnaa ooy xambaarsanaayeen dadka ku soo ururayey 00 dhan ah oo la hardamaya cuquulayntii gobannimadda iyo himiladii dadka badani ka sugayeen inay uga soo hoyato goboobidii 00 isaseegeysey oo dhan kale ah kale iyo ifafaaleyaal kale 00 dhaqaale, bulshe, siyaasadeed iskudirsigoodii ayaa waxaa ka dhashay cuyub ama cadaadin weyn samaysay dhammaan bulshada Muqdisho ku noolaaday marxaladdaas. Waxaa sidaas awadeed adkaaday noloshii, waxaana loo baahday maararow debciya culayska nolosha. Ma jirin cid daneyneysey murugta jirtey maareeynteeda, markaa waxaa cadda sii marayey doobigii dhibaatooyinka.
Cabdulqaadir 00 ahaa barbaar ka shaqeeya Wasaarad ayaan ku soo biiray bulshada aan seexan habeenkii ee ismaaweelinta u taga ruga maaweelinta. Wuxuu la kulmay barbaarkii waxyaaba badan 00 la yaab leh laakiin la yaabin waa ku qoslay. Wuxuu go’aansaday inuusan waxba layaabin, wax walbana inuu ku qoslo. leer dambe ayaa xaajadaasim isbeddel la kulatay.

Sikastaba sheekadan "Maydinkiibaa?!" waxay u qoran tahay asluub ka qoslis ah ayadoo laga yaabo inay arrintaas isku gudubto israacraaca figaha iyo laacdanka figaha sheekada. Qoruhu wuxuu moodayey inuu sahli karo malluugga arrimaha carrabbaaban laakiin waxaa tarraxay qalinkii rabid la’aan. Haweeya ayaa weydiisey Cabdulqaadir "Maxay gabdhuhu ka dideen?", cidina uma jawaabin haweeneydii. Cidina ma ogeyn waxay gabdhu ka dideen. Gabdhuhu inay dideen layskuma hayn. Laga yaabee akhris feeyigoon ama akhriste feeyigoo in lagu baafin karo, waxa gabdhaha didiyey ama waxay gabdhuhu ka dideen.

Paperback, 177 pages, Somali
OMIMEE Intercultural Publishers
ISBN-10: 392100800X
ISBN-13: 978-3921008003